Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ferhat Alkan, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda diiradda ku saaray horumarinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam iyo iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda.
Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta dhinacyada iskaashiga ee mudnaanta u leh labada dowladood.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ka qaataan ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.