U bood dhigaalka

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo Tababar ku saabsan Hoggaaminta Sare loo qabtay

Oktoobar 20, 2026

Muqdisho — Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xarunta Taliska Booliska loogu qabtay tababar ku saabsan hoggaaminta sare, isku-duwidda howlgalada, go’aan-qaadashada iyo isla-xisaabtanka.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta aqoonta iyo xirfadaha hoggaamineed ee saraakiisha, si kor loogu qaado hufnaanta maamulka, isku-duwidda howlaha amniga iyo awoodda go’aan-qaadashada marka ay jiraan xaalado kala duwan oo hawlgal.

Sidoo kale, tababarka ayaa muhiim u ah horumarinta isla-xisaabtanka iyo tayeynta habka ay saraakiishu u maamulaan una hoggaamiyaan howlaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Tababarka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha iyo awoodda hoggaamineed ee saraakiisha Booliska, si loo xoojiyo hufnaanta iyo waxqabadka hay’adda amniga.