U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Uganda oo Doonaya inay Xoojiyaan Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Oktoobar 20, 2026

Soomaaliya iyo Uganda ayaa wada qorshe lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal, iyadoo la doonayo in iskaashigooda laga ballaariyo dhinaca amniga, laguna daro maalgashiga, ganacsiga iyo horumarinta ganacsatada gaarka loo leeyahay.

Dadaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Muqdisho ay martigelinayso Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda, oo barbar socota shirka Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Labada Dal. Waa markii ugu horreysay ee labada kulan lagu qabto gudaha Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socda Uganda, kana kooban masuuliyiin dowladeed iyo hoggaamiyeyaal ganacsi, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan kulamada looga arrinsanayo fursadaha maalgashi, ballaarinta ganacsiga iyo abuurista iskaashi dhex mara shirkadaha labada dal.

Kulamada ayaa la filayaa inay fursad u noqdaan ganacsatada labada dhinac si ay u sahamiyaan mashaariic iyo iskaashi ganacsi oo wadajir ah, halka masuuliyiinta dowladuhuna ay ka wada hadli doonaan caqabadaha hortaagan kobaca ganacsiga iyo maalgashiga.

Soomaaliya iyo Uganda ayaa muddo ku dhow labaatan sano lahaa xiriir dhow, kaas oo si weyn ugu salaysnaa iskaashiga amniga iyo doorka ciidamada Uganda ee hawlgallada nabad ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya.