Dooxa, Qatar – 21-ka Oktoobar 2026: La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa khudbad uu ka jeediyay Madasha Amniga Caalamiga ah ee 2026 (Global Security Forum) kaga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.
Danjire Aweys ayaa sheegay in amniga dalalka dunida uu si isa soo taraysa isugu xiran yahay, isla markaana khataraha argagixisada, dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba iyo colaadaha gobolka aan wax looga qaban karin dadaal uu dal keli ahi sameeyo.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashiga amni uu ku dhisnaado is-weydaarsiga xogaha sirdoonka, ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo dhowrista shuruucda caalamiga ah. Waxa uu sidoo kale ka digay tallaabooyin hal dhinac ah oo wax u dhimaya midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha, isagoo xusay in ku dhaqanka mabaadi’da caalamiga ah ay tahay inuu noqdo mid loo siman yahay.
Isagoo ka hadlayay xaaladda amni ee Soomaaliya, ayuu sheegay in Dowladda Federaalka ay sii waddo dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo uu ku tilmaamay khataro aan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse saameyn ku leh amniga gobolka iyo caalamka.
La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay ay Soomaaliya horumar ka sameysay wiiqidda awoodda kooxaha argagixisada iyo dib u soo celinta gacan ku haynta dowladda ee deegaanno ay horay u maamulayeen kooxahaasi. Wuxuu xusay in in ka badan 55 boqolkiiba dhulalkii ay kooxaha argagixisadu gacanta ku hayeen dib loogu soo celiyay dowladda, halka ugu yaraan 1.5 milyan oo qof laga xoreeyay cabsi-gelinta kooxahaas.