U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Japan oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

Oktoobar 21, 2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Japan u fadhiya Kenya, ahna Safiirka aan degganayn ee Japan u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Matsuura Hiroshi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo laga duulayo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Japan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ku aaddan horumarinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta danaha ay wadaagaan.

Soomaaliya iyo Japan ayaa muddo dheer lahaa xiriir ku dhisan iskaashi iyo saaxiibtinimo, iyadoo wada-hadallada noocan ah ay qayb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah.