U bood dhigaalka

Xogo laga Faafiya Xaaladda Caafimaad ee Kim Jong Un oo Been Noqday

Oktoobar 21, 2026

Warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, uu geeriyooday kaddib markii uu ku dhacay dhiig-bax maskaxeed ayaa noqday kuwo aan sal iyo raad lahayn, kaddib markii uu ka soo muuqday goob fagaare ah.

Sawirrada oo la baahiyay 20-kii Oktoobar 2026 ayaa muujinayay Kim Jong Un oo booqanaya bandhigga dharka iyo kabaha ee lagu qabtay magaalada Pyongyang, isaga oo ay wehelinayeen gabadhiisa Kim Ju Ae iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi, KCNA, ayaa sheegtay inuu bandhiggaas booqday 19-kii bishan Oktoobar.

Sawirrada ayaa soo baxay saacado kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay xogo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim Jong Un, kuwaas oo abuuray hadal-hayn xooggan oo ku saabsan geeridiisa iyo mustaqbalka hoggaanka dalkaasi.

Eritrea oo Abiy Ahmed ku eedeysay inuu dagaal ka wado dalkaasi, xiisadda marin-badeedkana sii kordhisay
Asmara – Dowladda Eritrea ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ku eedeysay inuu dagaal ka wado dalkaasi, iyadoo walaac ka muujisay hadallada ka soo yeeraya hoggaanka Itoobiya ee la xiriira helitaanka marin-badeed.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in Abiy Ahmed uu dagaal kula jiro Eritrea, isaga oo ka falcelinayay hadalladii ugu dambeeyay ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee ku saabsanaa baahida dalkiisa u qabo marin uu kaga baxo badda.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay dooneyso inay hesho marin-badeed iyadoo adeegsanaysa hanjabaado, taas oo uu u arkay arrin sii hurin karta xiisadda u dhexeysa labada dal ee deriska ah.