U bood dhigaalka

Turkiga Oo Markab Cilmi-baaris iyo Kalluumeysi U Soo Diraya Xeebaha Soomaaliya

Oktoobar 29, 2026

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in markab isku daraya hawlaha cilmi-baarista badda iyo kalluumeysiga uu ku soo wajahan yahay xeebaha Soomaaliya, si loo horumariyo xirfadaha kalluumeysatada Soomaaliyeed loona xoojiyo dhaqaalaha dalka ee ku tiirsan kheyraadka badda.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa arrintan shaaciyay intii lagu guda jiray munaasabaddii dhowaan muqdisho ka dhacday ee Toddobaadka Kalluumeysiga Qaranka Soomaaliya ee 2026, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga fursadaha dhaqaale ee ku jira badaha Soomaaliya.

Alkan ayaa sheegay in Turkigu uu ka go’an yahay taageeridda mudnaanta dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu xoogga saarayo is-weydaarsiga khibradaha, tababarrada iyo dhisidda awoodda hay’adaha dowladda.

Danjiraha ayaa sidoo kale ammaanay dadaallada uu hoggaaminayo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, iyo shirkadaha ka qayb qaatay qabanqaabada munaasabadda, gaar ahaan shirkadda SomTürk.

Soomaaliya waxay leedahay xeeb dheer iyo kheyraad badeed oo leh fursado dhaqaale oo ballaaran, hase yeeshee horumarinta kalluumeysiga waxaa weli caqabad ku ah baahida loo qabo qalab casri ah, tababbarro farsamo, kaabayaal wax-soo-saar iyo suuqyo ganacsi oo horumarsan.

Imaatinka markabkan ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo dadaallada lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha kalluumeysatada Soomaaliyeed, iyadoo iskaashiga labada dal uu sidoo kale diiradda saarayo sidii kheyraadka badda loogu beddeli lahaa fursado shaqo iyo koboc dhaqaale.