U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan Muhiim ah La Yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti

Nofeembar 3, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti Madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, oo leh xiriir soo jireen ah oo ku dhisan af, dhaqan, taariikh iyo dhalasho-wadaag.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa intii kulanku socday  adkeeyay in xariirka Soomaaliya iyo Jabuuti uusan ku koobneyn oo keliya iskaashi diblomaasiyadeed, balse uu salka ku hayo walaaltinimo qoto dheer oo ka dhexeysa labada shacab iyo masiir wadaag ka sarreeya xuduudaha siyaasadeed.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in xiriirka taariikhiga ah ee labada dal uu saldhig u yahay xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii adkeynta iskaashiga labada dowladood.