1 daqiiqo Sheeko:Waxbarashada In ka badan 12 kun oo Macallin oo u fariistay Imtixaanka barenimo ee Wasaaradda Waxbarashada XFS. Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta imtixaanka ka qaaday in ka 12 kun oo Macallin, kuwaas oo doonaya inay kamid noqdaan bareyaal cusub oo ay dowladdu dhowaan ka howlgelin doonto dugsiyada
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay xoogga saarayso diiwaangelinta dadweynaha. Ra’iisal wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in waxyaabaha xukuumaddu xoogga saareyso ay kamid tahay diwaangalinta muwaadininta Soomaliyeed, si xogta Muwaadin kasta loo hayo.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Masar oo ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta xiisadda Israa’iil iyo ururka Xisbullaahi. Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Casiisi oo kulan la yeeshay Taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka Janaraal C.Q. brown ayaa ka digay halista iyo cawaaqib xumada ka dhalan kara xiisadda sii kordhaysa ee maamulka Israa’iil iyo ururka Xisbullaahi.
1 daqiiqo Sheeko:XAFIISKA RA'IISULWASAARAHA DALKA Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xaafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Erayga Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u u qaabilsan Soomaaliya
1 daqiiqo Sheeko:Golaha Shacabka, War Guddoomiyaha Golaha shacabka oo xaafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safaaradda Shiinaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Shiinaha usoo magacowday Soomaaliya Wang Yu oo ay wehliyaan diblomaasiyiinta safaaradda
1 daqiiqo Sheeko:Madaxweynaha 10-aad Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay bandhigga sanadlaha ah ee Xukuumadda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay Munaasabadda sannadlaha ah ee bandhigga waxqabadka
1 daqiiqo Sheeko:War ugu yaraan labo qof oo ku dhintay weerar bambaano oo ka dhacay dalka Pakistan Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in ugu yaraan labo caruur ah ay ku dhinteen 16 kalena ay ku dhaawacmeen weerar bambaano oo ka dhacay meel ku dhow xafiis boolis oo ku yaala koofur galbeed ee dalkaas.
1 daqiiqo Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay tuulooyin hoostaga magaalada Janaale Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 66-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxa ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka shabeellaha hoose.
1 daqiiqo Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab Taliyaha Ciidanka XDS oo booqday cutubyo ka tirsan ciidanka oo dagaalka Al-Shabaab loo diyaarinayo. Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta dhiira-galin u sameeyay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo qaatay tababar iyo dib u habeyn xoogan.
1 daqiiqo Sheeko:MAXKAMADDA SARE EE DALKA Dooddii ugu adkayd oo dhex martay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo Abuukaate Xalane. Maxkamadda sare ee dalka ayaa saaka u fariisatay galdacwadeedka cinqaabta ah ee eedaysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisa gubay horraantii bishii February ee sanadkan, waxaana dhageysiga bandhigga xeer-ilaalinta ka dib guddoomiyaha maxkamadda mudane Baashe Yuusuf uu su’aalaha weydiiyay qareenada