1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Britain oo Shegtay in Xiisadda Bariga Dhexe Cidna Dan Ugu Jirin, Kuna Baaqay Isxakameyn Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in xiisadda bariga dhexe ka aloosan aaan cidna dani ugu jirin, ayna gobolka horseedi doonto amni darro iyo qulqulatooyin baaxad leh, isagoo ku baaqay in laga gaabsado.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Macluul Baahsan oo Laga Cabsiqabo Iney Ku Dhufato Qaza iyo Digniino Laga Soo Saarayo Hay’adaha caalamigaa ayaa ka digaya macaluul baahsan oo ka dilaacday marinka qasa, taasoo ka dhalatay dagaalka halkaa ka socda, iyo duqeymaha joogtada ah ee Israa’iil.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Weerar Toorey Loo Adeegsaday oo Ka Dhacay Australia iyo Booliiska oo Qabtay Dambiilaha Booliiska dalka Australia ayaa sheegay in weerarka mindida ah lagu qaaday kaniisad ku taal magaalada Sidni (Sydney), kaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro hoggaamiyaha kiniisaddu.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Milatariga Israel oo Ku Dhawaaqay Iney Jawaab Aargudasho ah Ka Bixinayaan Weerarkii Iran Xilli Iran ay ka digtay tallaabo ay qaaddo Israel ayaa u muuqata inay Tal Aviv go’aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Booliiska Australia oo Toogasho Ku Dilay Nin Weerar Ku Qaaday Suuq Ku Yaallo Caasimadda Sydney Booliiska Australia ayaa sheegay in ay toogteen nin weerar toorrey loo adeegsaday ku qaaday lix qof oo ku sugnaa suuq weyn oo ku yaalla magaalada Sydney. Ninka ayaa Sabtida maanta ah lagu dilay xeebta Bondi.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maxkamd Ku Taalla Kenya oo Lasoo Taagay Nin Lagu Eedeeyay Aasaasidda Ururka Daacish Maxkamad ku taalla wadanka Kenya ayaa lasoo taagtay nin lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyihii ugu muhiimsanaa kooxda Daacish ee bariga Afrika, kaas oo doonayay inuu kooxda ka aasaaso gudaha dalka.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Muxuu Mareykanku Kaga Walaacsan Yahay Xiriirka Sii-xoogeysanaya Ee Ruushka iyo Koonfur Afrika? Dowladda Mareykanka ayaa walaacsan xiriirka laba geesoodka ah ee sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda Koonfur Afrika iyo Ruushka, taas oo sare u sii qaadaysa awoodda Qaaradda Madoow ay ku yeelanayso Moscow.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xamaas oo Si Adag Uga Hadashay Dilka Caruur uu Dhalay Hoggaamiyaha Siyaasadda Ee Ururka Xamaas Sarkaal ka tirsan Ururka Xamaas ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu waxyeeleynayo wadahadallada xabbad-joojinta ka dib saddex wiil iyo afar caruur uu awoowe u yahay hoggaamiyaha.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dhulgariir Xooggan oo Ku Dhuftay Taiwan iyo Khasaare Kale Duwan oo Ka Dhashay Dhul-gariirkii ugu xooganaa ee muddo 25 sano ayaa ku dhuftay dalka Taiwan dhinaca jasiiradda xilli subaxnimadii hore ee saaka, kaas oo burbur u geystay dhismayaal iyo waddooyin waaweyn, waxaana uu sababay dhimashada afar qof.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xisbiga Mucaaradku Ugu Weyn Turkiga oo Guulo Ka Gaaray Doorashooyinka Dowladaha Hoose Xisbiga ugu weyn mucaaridka Turkiga, ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axaddii shalay ka dhacay guud ahaan 81-ka gobol ee dalkaasi, halka xisbiga talada haya u uku guuldareystay.