1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Iiraan oo sheegtay inay xirtay marinka Hormuz Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in marinka muhiimka ah ee Hormuz la xiray, kaddib markii ay rasaas digniin ah ku rideen markab ganacsi oo marayay biyaha gobolka.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo Iiraan ugu hanjabay tallaabo militari oo adag, ka dib aaska Khamenei Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si adag ugu hanjabay dowladda Iran, kaddib markii intii lagu jiray aaska Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ay soo baxeen baaqyo lagu dalbanayay dilkiisa.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ruto oo Shaaciyay Heshiis Weyn oo Kenya Looga Dhisayo Warshadda Sifaynta Shidaalka ee Dangote Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay in la guda galayo wejiga fulinta mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo warshadda ugu weyn ee sifaynta shidaalka Bariga Afrika, kaddib wada-hadallo miro-dhal ah oo uu la yeeshay maalqabeenka reer Nigeria, Aliko Dangote.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maqnaanshaha Hoggaamiyaha Cusub ee Iiraan oo Dhaliyay hadal-heyn iyo Su’aalo Badan Maqnaanshaha hoggaamiyaha cusub ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa sii kordhiyay hadal-haynta gudaha iyo dibadda dalkaas, iyadoo weli aan si rasmi ah loo arkin ama aan laga maqal wax cod ah tan iyo markii loo magacaabay xilka hoggaamiyaha sare bishii Maarso.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dagaalka Bariga Dhexe oo dib u qarxay iyo Iiraan oo beegsatay saldhigyo ku yaalla Baxrayn iyo Kuweyt Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay weerarro ku beegsadeen xarumo militari iyo kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla dalalka Kuwait iyo Bahrain, kuwaas oo ay ku jiraan saldhigyada Arifjan iyo Ali Al Salem ee Kuwait, iyo saldhigyada Juffair iyo Sheikh Isa ee Bahrain.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maraykanka oo duqeymo ka fuliyay koonfurta Iiraan iyo Tehran oo ku dhawaaqday inay ka bixinayso jawaab adag Xiisadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa si weyn u sii xoogeysatay, kadib markii ciidamada Maraykanku ay duqeymo cirka ah ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla koonfurta Iiraan.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Weerarro ka dhacay Marinka Hormuz oo mugdi geliyay wada-hadallada nabadda ee Mareykanka iyo Iiraan Weerarro lagu qaaday maraakiib ganacsi oo marayay Marinka Hormuz ayaa walaac cusub ku abuuray mustaqbalka wada-hadallada nabadeed ee u socda Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo marinkan uu weli yahay qodobka ugu muranka badan ee labada dhinac.
3 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maxay tahay Shaqada Guddiga Maamulka Gaza ? Kun maalmood oo dagaal iyo burbur ka dib, waxaa Marinka Gaza laga hirgeliyay Guddiga Qaranka ee Maamulka Gaza, kaas oo lagu sameeyay qorshe ku-meel-gaar ah oo ay taageerayaan dhinacyo caalami ah.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xamaas oo kala dirtay maamulkeedii Gaza, ku dhowaad 20 sano ka dib Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay kala dirtay Guddigii Gurmadka Dowladda ee maamulayey Marinka Gaza, iyadoo maamulka rayidka ah ku wareejisay guddi farsamo oo ka kooban 15 xubnood oo Falastiiniyiin ah.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maxay daarrantahay booqashada Madaxweynaha Faransiiska ee dalka Suuriya ? Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa gaaray magaalada Dimishiq, halkaas oo uu kulan kula yeelanayo Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa, booqashadan ayaana noqotay tii ugu horreysay ee hoggaamiye ka socda Galbeedka Yurub ku tago Suuriya tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad sannadkii 2024.