2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Wax ka ogow sida dagaalka Iiraan uu u saameeyay duulimaadyada caalamka Warbixin cusub oo ay daabacday Financial Times ayaa muujisay in dagaalka iyo xiisadaha ka taagan Iiraan ay si weyn u saameeyeen warshadaha duulimaadyada caalamka, kaddib markii yaraanta shidaalka diyaaradaha iyo kororka kharashaadka hawlgalka ay sababeen jahwareer ballaaran oo ku yimid jadwallada duulimaadyada.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ruushka oo ku dhawaaqay xabbad-joojin ku meel gaar oo dagaalka Ukraine ku saabsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa shaacisay in Madaxweyne Vladimir Putin uu amar ku bixiyay xabbad-joojin ku-meel-gaar ah oo laga hirgeliyo furimaha dagaalka ee Ukraine inta u dhexeysa 8-da ilaa 9-ka May, xilli Ruushku isu diyaarinayo munaasabadda Maalinta Guusha ee sanad walba lagu xuso guushii laga gaaray Nazi-ga dagaalkii labaad ee aduunka.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Muxuu yahay hawlgalka halista badan ee lagu ammaanay booliska Koonfur Afrika ? Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu ammaanay kadib markii ay fuliyeen howlgal adag oo khatar badan, kaas oo lagu soo qabtay yaxaas la rumeysan yahay inuu liqay ganacsade muddo ka maqnaa qoyskiisa.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo shaaciyay in maraakiib calanka Mareykanka wata ay ka gudbeen marinka Hormuz Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in laba markab oo ganacsi oo wata calanka Mareykanka ay si guul leh uga gudbeen marinka muhiimka ah ee Hormuz, xilli xiisad militari iyo mid ganacsi ay weli ka taagan tahay gobolka.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Muxuu yahay qorshaha cusub ee Trump uu ku wajahayo Marinka Hormuz ? Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa ku dhawaaqay howlgal cusub oo loogu magac daray “difaaca xorriyadda ”, kaas oo lagu sheegay in Maraakiibta ku xaniban marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz laga caawin doono inay si nabad ah uga gudbaan laga bilaabo maanta oo Isniin ah.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo si adag uga jawaabay qorshaha cusub ee Iiraan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u eegayo qorshaha cusub ee Iiraan soo bandhigtay, balse wuxuu muujiyay shaki weyn oo ku saabsan suura-galnimada heshiis degdeg ah.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ururka OPEC+ oo qorshaynaya inuu kordhiyo wax soo saarka Shidaalka Ururka OPEC ayaa lagu wadaa inuu maanta yeesho kulan muhiim ah oo lagu go’aaminayo kordhin cusub oo lagu sameeyo wax-soo-saarka shidaalka, inkastoo ay taagantahay caqabadda wax dhoofinta ee ka dhalatay dagaalka Iiraan.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dalalka Khaliijka oo caadiyaynaya hannaankooda Duulimaadyada ka dib xadidaad ka dhalatay dagaalka Iiraan Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in isu-socodka diyaaradaha dalkaasi uu si buuxda ugu soo laabtay xaaladdii caadiga ahayd, kadib markii la qaaday tallaabooyinkii taxaddarka ahaa ee la dhaqan-geliyay 28-kii February, xilliga ay cirka isku sii shareertay xiisadda dagaalka ee la xiriirta Iiraan.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Iiraan oo Maraykanka ku eedaysay Burcad-badeednimo xiisadda u dhexeysa Donald Trump iyo Iiraan ayaa sii xoogeysanaysa, kadib markii Maraykanku uu dhowaan qabsaday maraakiib ay Iiraan leedahay, ayadoo madaxweyne Trump uu dhowaan sheegay inay muddada cunaqabateynta iyo go’doominta dekedaha Iiraan kordhin doonaan.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo qorshaynaya inuu kordhiyo muddada cunaqabateynta iyo go’doominta dekedaha Iiraan Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa masuul ka tirsan Aqalka Cad, madaxweynaha Donald Trump ayaa soo jeediyay in muddo bilo ah la kordhiyo cunaqabateynta iyo go’doominta dhaqaale ee lagu hayo Iran, si loo wiiqo dhoofinta saliidda iyo ilaha dhaqaale ee dalkaasi.