1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ku dhowaad 17 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha dalka Senegal Ciidamada badda Senegal ayaa sheegay in ay heleen meydadka 17 qof, kuwaas oo la socday doon ay saarnaayeen qaxooti iyo muhaajiriin oo ku degtay xeebaha dalkaas, waxayna xaqiijiyeen in tirada dhimashadu ay tahay 26 qof.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka “Musharrax Madaxweynenimo ilaa Maxbuus: Mwalimu Dida oo Mareykanka Xabsi Ku Galay Kadib Dacwad Dambiyo” Mohamed Abduba Dida oo u tartamay madaxtinimada Kenya sannadihii 2013 iyo 2017, ayaa hadda ku qaadanaya xabsi toddobo sano ah oo ku yaalla xabsi ku yaalla dalka Mareykanka, ka dib markii lagu helay dambiyo la xiriira daba-gal iyo caga-jugleyn.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xogo hordhac ah oo laga helay xubin ka tirsan mucaaradka Tanzania oo dhowaan meydkiisa la helay Baaritaan bilow ah oo lagu sameeyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka dalka Tanzania ayaa lagu ogaaday in la garaacay oo lagu shubay aashito, sida uu sheegay xisbigiisa.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 16 oo ku dhintay weerar ay Israa’iil ka fulisay gudaha Suuriya 7gu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerar gantaallo ah oo ay Israa’iil ka fulisay gudaha dalka Suuriya sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho dowladdu.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 24 oo ku geeriyooday dhul-go’ ka dhacay dalka Vietnam. Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay, halka ay 299 kalena ku dhaawacmeen Vietnam oo ay ka dhaceen dhul go’ iyo daadad ka dhashay duufaan lagu magacaabo Yagi oo meelo dalkaas kamida ku dhifatay.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Darawal gaari oo fuliyay oo weerarkii ugu horreeyay ee ka dhacay xadka Urdun iyo Israa’iil laamaha amaanka Isra’il ayaa shaaciyay, in nin hubeysan oo u dhashay dalka Urdun uu saddex qof oo Isra’ili ah ku dilay Marinka Allanby ee ay dadka Urduniyiinta u yaqaannaan Buundada Boqor Xuseen oo ah marin isku xira xadka Urdun iyo Daanta Galbeed ee dhulka la heysto.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xuutiyiinta Yemen oo sheegtay inay soo rideen diyaarad Militari oo Mareykanku leeyahay Kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen ayaa sheegtay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo Maraykanku ku leeyahay, taas oo dul maraysay hawada dalkaas, sida uu sheegay yahya Saree oo ah Afhayeenka milatariga ee Xuutiyiintu.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Nin hubeysan oo toogasho ka geystay Mareykanka Ciidanka Booliska gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hubeysan oo wali baxsad ah uu Sabtidi shalay ilaa 7 qof ku dhaawacay meel u dhaw waddada 75-ka ee marta gobollo badan oo Mareykanka ah.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ciidanka Isra’il oo laayay shacab Falastiiniyiin ah oo iskuul gabaad ka dhiganayay Ciidamada maamulka Isra’il ayaa sii wada duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, iyada oo dhanka kalana ay rabshado khasaaro sababay wali ka socdaan Daanta Galbeed ee dhulka la heysto ee Falastin.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka 17 arday oo ku dhimatay dab ka kacay iskuul ku yaalla Kenya Dabka ka kacay iskuulka Hillside Edarasha ee Nyeri, Kenya ayaa sababay dhimashada 17 arday