2 daqiiqo Sheeko:War Howlgalka Midowga Yurub ee ATALANTA ee Xeebaha Soomaaliya oo Markab kasoo furtay koox Burcad Badeed looga shakiyay Hawlgalka ATALANTA, oo ah ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda, ayaa ku guuleystay in markabka M/V BASILISK ee ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay rag looga shakiyay burcad badeednimo.
1 daqiiqo Sheeko:War Booliska Gobolka Banaadir oo Xiray Askari Ku Eedeysan Kicin Bulsho Ciidanka Booliiska gobalka Banaadir gaar ahaan saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa maanta soo xiray eedeysane Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib), arrintaan hore loogu qabtay shakhsiyaad dhowr ah.
2 daqiiqo Sheeko:War Madaxweynaha Mareykanka oo dalalka bariga Afrika ka dalbaday in ciidamo ay u diraan Haiti Madaxweyne Biden ayaa soo jeediyay Khamiistii in go’aanka ah in Kenya ay hogaamiso howlgalka ammaanka ee Haiti, iyada oo aysan jirin ciidamo ka socda Mareykanka oo ku sugan gudaha Haiti, si ay uga qeybqaataan nabad kusoo dabaalidda dalkaasi.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu Yaraan 14 Qof oo Geeriyootay Dab Ka Kacay Dalka Vietnam Ugu yaraan 14 qof ayaa ku naf waayay, qaar kalena way ku dhaawacmeen dab xooggan oo ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla caasimadda dalka Vietnam ee Hanoi sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dood Ku Saabsan Nidaamka Difaaca Hawada oo Ka Dhex Bilaabatay Dalalka Yurub Poland iyo Giriiga , ayaa si wadajir ah warqad ugu diray Golaha Midowga Yurub, iyagoo u sheegaya inay u baahanyihiin nidaamka difaaca hawada.
1 daqiiqo Sheeko:War Ciidanka Amniga Koonfur Galbeed oo ka hortagay weerar Shabaab ku qaadeen Berdaale Ciidanka Ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay ka hortagay weerar kooxda Al Shabaab ay kusoo qaaday degmada Bardaale sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga, ciidanka ayaa ku guuleystay fashilinta weerarka.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Mucaaradka Denmark oo Dowladdooda Ugu Baaqay Iney Qaadato Go’aanka Aqoonsiga Falastiin Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan isbahaysiga “Red green alliance” oo ay ku mideysanyihiin qaar kamida Xisbiyada mucaaradka dalka Denmark ayaa dowladda ku booriyay inay qaaddo tillaabo lamid ah tii ay horey u qaadeen.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dowladda Colombia oo Dhowaaqday in Safaarad Ka Furaneyso Dalka Falastiin Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa amray in safaarad laga furo magaalada Ramallah ee dalka Falastiin, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Luis Gilberto Murillo.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ruto iyo Biden oo Kulmay iyo Qodobada ay Ka Wada Hadlayaan Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo muddo 15 sano ah booqasho rasmi ah ku taga dalka Mareykanka.
1 daqiiqo Sheeko:War Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Lagu Dilay Muqdisho Waxaa caawo Magaalada Muqdisho, Gaar ahaan Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan lagu dilay xildhibaan lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka dowlad gobolleedka koofur galbeed.