U bood dhigaalka

IGAD Oo Ku Baaqday In La Sii Wado Wadahadallada Siyaasadeed Ee Soomaaliya

Maajo 17, 2026

Ururka IGAD ayaa ku baaqay in la sii wado wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kadib markii ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen kulamadii ka dhacay Muqdisho intii u dhexeysay 13 illaa 15 May 2026.

War-saxaafadeed kasoo baxay xoghaynta IGAD ayaa lagu sheegay in ururku soo dhaweynayo wada hadalladii tooska ahaa ee dhinacyada, isla markaana uu dhiirrigelinayo in la sii ambaqaado wada xaajoodyada si xal loogu helo arrimaha weli taagan.

IGAD ayaa carrabka ku adkeysay in wada hadal siyaasadeed oo joogto ah uu muhiim u yahay ilaalinta xasilloonida Soomaaliya, xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo horumarinta dowlad-dhiska dalka.

Sidoo kale, ururku wuxuu ugu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay raadiyaan xalal xoojinaya midnimada qaranka, kalsoonida shacabka iyo xasilloonida muddada dheer ee dalka.

Bayaanka IGAD ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay nooca doorashooyinka dalka iyo muddo-xileedka hay’adaha dowladda, iyadoo mucaaradka iyo dowladda Federaalka ay weli isku maandhaafsan yihiin hannaanka loo wajahayo doorashooyinka soo socda.