U bood dhigaalka

Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka oo Ka Dooday Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Oktoobar 20, 2026

Muqdisho, 20-ka Oktoobar 2026 — Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday qodobbada iyo muhiimadda Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka ahna ku-simaha Guddoomiyaha guddiga, Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey).

Intii uu kulanku socday, xubnaha guddiga ayaa falanqeeyay qodobbada hindise-sharciyeedka, iyagoo diiradda saaray muhiimaddiisa iyo sidii diyaarintiisu ula jaanqaadi lahayd habraacyada sharci-dejinta dalka.

Guddoomiye Ku-xigeenka guddiga, Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in dood iyo falanqeyn dheer kaddib ay xubnaha guddigu isku raaceen in la sii wado ka shaqeynta hindise-sharciyeedka.

Wuxuu xusay in xoogga la saarayo dhammaystirka diyaarinta hindise-sharciyeedka iyo sii ambaqaadista howlaha la xiriira.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ka mid ah arrimaha sharci-dejinta ee ay gacanta ku hayaan guddiyada Golaha Shacabka, iyadoo guddiga ay sii wadi doonaan ka shaqeyntiisa si loo dhammaystiro diyaarintiisa.