U bood dhigaalka

Doorashada Israa’iil Oo Weli Cakiran: Netanyahu Oo Wajaya Loolan Adag

Oktoobar 28, 2026

Doorashada baarlamaanka Israa’iil ayaa weli ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo xogtii ugu dambeysay ee tirinta codadka ay muujineyso in isbahaysiga Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu hoggaaminayo natiijooyinka hordhaca ah, balse uusan weli haysan kuraasta ku filan ee uu kaligiis ku dhisi karo dowlad cusub.

Sida ay wararkii ugu dambeeyay ee 28-ka Oktoobar 2026 sheegayaan, markii ku dhowaad 42 boqolkiiba sanduuqyada codbixinta la tiriyay, isbahaysiga taageersan Netanyahu ayaa lagu qiyaasay 57 kursi, halka isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot uu haystay 47 kursi.

Xisbiyada ay hoggaamiyaan siyaasiyiinta Carabta ayaa iyaguna wada haystay 16 kursi. Natiijooyinkani waa kuwo hordhac ah oo isbeddeli kara inta tirinta codadku socoto.

Baarlamaanka Israa’iil, oo loo yaqaan Knesset, wuxuu ka kooban yahay 120 kursi, waxaana loo baahan yahay ugu yaraan 61 kursi si loo helo aqlabiyadda lagu dhisi karo dowlad.

inkasta oo Netanyahu uu hadda ka horreeyo mucaaradka marka la eego tirinta hordhaca ah, haddana weli ma cadda inuu heli karo taageerada lagama maarmaanka ah ee uu ku sii hoggaamin karo dowladda.

Netanyahu ayaa ku adkeystay in xisbiyada garabka midig ay ku guuleysteen taageero ballaaran, wuxuuna ku baaqay in la dhiso dowlad qaran oo midigta ah, asagoo sidoo kale diiday fikradda ah in dowlad lagu dhiso taageerada xisbiyada Carabta, isagoo ku dooday in arrintaasi ay khatar ku tahay aragtidiisa siyaasadeed iyo amniga Israa’iil.

Dhanka kale, Gadi Eisenkot ayaa sheegay in shacabka Israa’iil ay u codeeyeen isbeddel, wuxuuna ku baaqay in la soo afjaro hoggaanka Netanyahu, Eisenkot, oo hore u soo noqday madaxa guud ee ciidamada Israa’iil, ayaa sheegay inuu dadaal u geli doono dhismaha dowlad cusub, inkasta oo ay weli adag tahay in la helo aqlabiyad baarlamaani ah.

Xisbiyada ay hoggaamiyaan siyaasiyiinta Carabta ayaa door muhiim ah ku yeelan kara wada-xaajoodyada lagu dhisayo dowladda cusub, ayadoo Saadaashii hore ee codbixinta ay tilmaantay inay heli karaan ilaa 19 kursi, halka tirintii hordhaca ahayd ee dambe ay muujisay inay haystaan 16 kursi.

Kuraastaas ayaa noqon kara kuwo go’aamiya cidda awoodda la wareegi karta, maadaama labada isbahaysi ee waaweyn aysan weli gaarin 61 kursi.

Si kastaba, wada shaqeynta xisbiyada Carabta iyo isbahaysiga Eisenkot ayaa caqabado siyaasadeed wajahaysa, maadaama hoggaamiyeyaasha mucaaradku ay hore u muujiyeen inaysan doonayn inay si toos ah dowlad ula wadaagaan xisbiyadaas.

Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb galay qiyaastii 77.7 boqolkiiba dadka xaqa u lahaa inay codeeyaan, taasoo noqotay heerkii ugu sarreeyay tan iyo sannadkii 1999, sida ay sheegeen warbixinnada doorashada. Tiradaas ayaa muujineysa sida ay doorashadu muhiim ugu ahayd mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.