Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu uu bilaabay ka bixitaanka ciidamada Uganda (UPDF) ee Soomaaliya, kaddib muddo 20 sano ah oo ay ka qeyb qaadanayeen hawlgallada amniga dalka.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu Muhoozi ku sheegay in Uganda ay billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, isla markaana ay amniga ku wareejinayso ciidamada Soomaaliyeed.
“Sidii aan ballanqaadnay, waxaan bilownay ka bixitaanka ciidamada UPDF ee Soomaaliya. Kaddib 20 sano oo dhiig badan uu daatay iyo naf-hurnimo, waxaan amniga ku wareejinaynaa walaalaheenna Soomaaliyeed,” ayuu qoray Muhoozi.
Uganda ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaatay hawlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu ay taageero siinayeen dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya sii xoojinayso doorka ciidamada qalabka sida ee dalka ee sugidda amniga iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga, iyadoo mustaqbalka laga sugayo in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan hawlgallada amni ee dalka.