Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Suudaan ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inuu ka mid yahay meelaha laga qoro dagaalyahannada ajaanibta ah ee ka barbar dagaallama xoogagga RSF, kuwaas oo dagaal kula jira ciidanka dowladda Suudaan.
Taliyaha ku-xigeenka guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Suudaan, Sareeye Guuto Yasser al-Atta, ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in dagaalyahanno ajaanib ah oo ka kala yimid dalal iyo deegaanno kala duwan ay ku biireen ciidamada RSF.
Al-Atta ayaa Puntland ku daray meelaha uu sheegay in laga soo abaabulo dagaalyahannadaas, isaga oo sidoo kale xusay dalalka Chad, Liibiya, Niger, Itoobiya, Koonfurta Suudaan, Colombia iyo dalal kale oo Galbeedka Afrika ah.
Sarkaalkan ayaa eedeymaha ugu waaweyn u jeediyay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Saayid, isaga oo ku andacooday inuu door ku leeyahay keenista iyo abaabulka dagaalyahannada shisheeye ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Suudaan.
Magaca Puntland ayaa horey ugu soo baxay warbixinno la xiriira dagaalka Suudaan, gaar ahaan magaalada Boosaaso. Bishii Sebtembar 2025, dowladda Suudaan ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay warbixin ay ku sheegtay in dagaalyahanno u dhashay Colombia laga soo qaaday Imaaraadka, la geeyay Boosaaso, kadibna loo sii gudbiyay Liibiya iyo Suudaan.
Sidoo kale, bishii November 2025, Al-Atta ayaa Soomaaliya ku daray dalalka uu ku eedeeyay inay dagaalyahanno u diraan xoogagga RSF.
Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaalka u dhexeeya ciidanka dowladda Suudaan iyo xoogagga RSF uu weli ka socdo dalkaas, iyadoo colaadda ay sababtay barakac ballaaran, dhimasho iyo burbur xooggan.
Dhanka kale, eedeymaha cusub ee saraakiisha Suudaan weli ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo muujinaysa in maamulka Puntland uu si toos ah uga dambeeyo qorista ama dirista dagaalyahannadaas, mana jirto jawaab rasmi ah oo Puntland ka bixisay eedeymaha cusub.