U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug oo si rasmi ah xilka ula wareegay, ballanqaadayna amni iyo dib-u-heshiisiin

Nofeembar 4, 2026

Dhuusamareeb – 4 Nofeembar 2026: Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore ee maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa astaan u noqotay isbeddelka hoggaamineed ee Galmudug, iyadoo hoggaamiyaha cusub uu sheegay in xilka uu ku yimid kalsoonida shacabka, kuwaas oo markii ugu horreysay hoggaankooda ku doortay codkooda.

Liibaan Axmed Xasan ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore, Axmed Cabdi Kaariye, sida sharafta leh ee uu xilka ugu wareejiyey, isaga oo ku bogaadiyey dadaalladii uu ka sameeyey dhismaha dowladnimada, xoojinta xasilloonida siyaasadeed iyo horumarinta hay’adaha maamulka.

hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee maamulkiisa ay noqon doonto sugidda amniga, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin, iyo sidoo kale dhab-u-heshiisiinta bulshada.

Waxa uu sidoo kale ballanqaaday dhismaha hay’ado dowladeed oo tayo leh, xoojinta dowladnimada, tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo hirgelinta qorshayaal horumarineed oo wax ku ool ah.

Liibaan Axmed Xasan ayaa intaas ku daray in muddada xil-hayntiisa uu ku shaqeyn doono wada-tashi, midnimo, caddaalad, hufnaan iyo isla-xisaabtan, isaga oo shacabka Galmudug ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda.

Xil-wareejintan ayaa imaanaysa kaddib doorashadii hoggaanka cusub ee Galmudug, waxaana la filayaa in maamulka cusub uu wajahayo mas’uuliyado waaweyn oo la xiriira amniga, dib-u-heshiisiinta, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarinta deegaannada Galmudug.