U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Wefdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Dhuusamareeb

Nofeembar 4, 2026

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Daahir (Dhagawayne), iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Soo dhaweynta kaddib, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay ka wada hadleen xaaladda guud ee ciidamada, howlaha amni iyo hawlgallada militari ee ka socda deegaannada dowlad goboleedka Galmudug.

Kulamada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qiimeynta xaaladda ciidamada, howlgalada ay ka wadaan deegaannada Galmudug iyo dadaallada lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolka.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay arrimaha la xiriira shaqada iyo waajibaadka ciidanka, isku-duwidda howlgalada iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta saraakiisha hoggaamineysa cutubyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Booqashada Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ee magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah kormeerro iyo kulamo uu la yeelanayo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay la socodka xaaladda ciidamada, qiimeynta howlaha ay qaranka u hayaan iyo xoojinta hannaanka hoggaamineed ee ciidanka.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo amniga deegaannada Galmudug iyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo booqashooyinka saraakiisha sare ee ciidanka ay qeyb ka yihiin kormeerka iyo qiimeynta howlaha amni ee dalka.