Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ee Muqdisho ku qaabilay qaar ka mid ah madax-dhaqameedka ka yimid gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimadda.
Madax-dhaqameedka kulanka ka qaybgalay ayaa kala ah Boqor Ibraahim Boqor Cali Xuseen, Suldaan Maxamuud Axmed iyo Suldaan Cumar Cismaan Goodir, waxaana Kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed, ilaalinta midnimada iyo doorka hoggaanka dhaqanka ee nabadaynta iyo isu-soo-dhoweynta bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay madax-dhaqameedku ku leeyihiin ilaalinta nabadda, wadajirka iyo isku-duubnida bulshada Soomaaliyeed.
Waxa uu tilmaamay in wada-hadalka, is-qaddarinta iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed ay saldhig u yihiin dhismaha kalsoonida iyo xoojinta midnimada bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale madax-dhaqameedka ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaallada nabadaynta, dhiirrigelinta wada-hadalka iyo isu-soo-dhoweynta bulshada, isaga oo carrabka ku adkeeyay kaalinta ay hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin isku-xirka bulshada iyo xallinta khilaafaadka.
Madax-dhaqameedka Soomaaliyeed ayaa ka mid dhinacyada saamaynta ku leh arrimaha bulshada, dhaqanka iyo nabadaynta, waxayna kaalin wax ku ool ah ka qaataan isku xirka bulshada iyo xoojinta nabadda.