Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka 100-kii maalmood ee ugu horreeyay Xukuumaddiisa.
Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Koonfur Galbeed, maamulka gobolka Baay, kan degmada Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Warbixinta lagu soo bandhigay munaasabadda ayaa lagu faahfaahiyay howlaha ay Xukuumaddu qabatay muddada 100-ka maalmood ah, iyadoo diiradda lagu saaray dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, caafimaadka, waxbarashada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay qorshayaasha mudnaanta u leh Xukuumadda, caqabadihii ay la kulantay iyo tallaabooyinka ay qaaday si loo dardargeliyo howlaha maamulka iyo adeegyada bulshada.
Sheekh Aadan Madoobe oo munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadiyay Golaha Wasiirrada iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda, isaga oo ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo qorshayaasha maamulka.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in mudnaanta Dowladda Koonfur Galbeed ay tahay sugidda amniga, xoojinta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah si shacabka ay u helaan adeegyo dowladeed oo tayo leh.
Qoraalka rasmiga ah ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed laguma sheegin tirooyin ama mashaariic gaar ah oo lagu cabbirayo waxqabadka 100-ka maalmood, balse waxaa lagu soo koobay dhinacyada ay Xukuumaddu sheegtay inay mudnaanta siisay.