U bood dhigaalka

Suxufiyiinta Soomaaliya oo Wajahaya Xarig, Weerarro iyo Handadaado sii Kordhaya

Nofeembar 2, 2026

Suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya ayaa wajahaya tacaddiyo iyo cadaadis sii kordhaya oo isugu jira xarig, afduub, weerarro jireed, handadaad iyo weerarro dhanka baraha bulshada ah, iyadoo haweenka saxafiyiinta ah ay la kulmaan tacaddiyo dheeraad ah oo la xiriira jinsigooda.

Warbixinta oo la soo saaray 2-da November 2026, kuna beegan Maalinta Caalamiga ah ee soo afjaridda isla-xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta, ayaa lagu diiwaangeliyey 96 dhacdo oo tacaddiyo ah intii u dhexeysay November 2025 ilaa October 2026.

Dhacdooyinkaas ayaa saameeyey in ka badan 30 saxafi, waxaana sidoo kale la sheegay in laba xarumood oo warbaahineed ay shaqadooda carqalad gashay ama la xiray.

Sida lagu xusay warbixinta, xarigga iyo xabsi-ku-haynta suxufiyiinta ayaa ahaa tacaddiyada ugu badan, iyadoo la diiwaangeliyey 33 kiis, halka weerarrada dhanka internet-ka ay ahaayeen 21 kiis, weerarrada jireedna 17 kiis.

Waxaa sidoo kale la diiwaangeliyey 13 afduub iyo 12 dhacdo oo ciidamada ammaanku kula wareegeen qalabka shaqada ee saxafiyiinta. Gobolka Banaadir ayaa noqday halka ugu badan ee tacaddiyada laga soo sheegay, iyadoo laga diiwaangeliyey 38 dhacdo, halka Puntland laga soo sheegay 24 kiis oo xarig sharci-darro ah.
Bilaha March iyo July ayaa warbixintu ku tilmaantay xilliyadii ugu khatarta badnaa, waxayna warbixintu sidoo kale iftiimisay sida baraha bulshada loogu adeegsanayo cabburinta iyo handadaadda saxafiyiinta, iyadoo kooxo abaabulan ay adeegsanayaan cabashooyin been abuur ah oo la xiriira xuquuqda daabacaadda si loo xiro bogagga warbaahinta.

Waxaa intaas dheer in la adeegsaday dukumentiyo geeri oo been abuur ah, si looga faa’iideysto nidaamka Facebook ee loogu talagalay xusuusta dadka geeriyooday, looguna xiro akoonnada saxafiyiinta nool.

Kiisaskaas waxaa ka mid ah suxufiga Munaasar Maxamed oo dalka dibaddiisa ku nool, isla markaana Facebook ku leh in ka badan laba milyan oo taageerayaal ah, kaas oo bishii September 2026 lagu sameeyey isku day lagu doonayay in akoonkiisa loogu beddelo bog xusuuseed iyadoo la adeegsanayo dukumentiyo been abuur ah.

Sidoo kale, weerarro lagu curyaamiyey bogagga baraha bulshada ayaa lagu qaaday Farah Geylan oo ka tirsan Geylan Media, Cabdirisaaq Atosh oo ka tirsan Salbaar Media, Xasan Gallaydh, Ismaaciil Shine, Sharma Hiilwalaal iyo Shiine Culey.

Dhanka kale, SOMWA ayaa sheegtay in haweenka saxafiyiinta ah ay wajahaan cadaadis ka duwan kan ragga, kaas oo isugu jira aflagaaddo galmo la xiriirta, sumcad dil, weerarro baraha bulshada ah iyo cadaadis kaga yimaada qoysaska iyo bulshada.

Ururku wuxuu sheegay inuu tan iyo 2023 diiwaangeliyey 79 kiis oo tacaddiyo ku saleysan jinsiga ah oo ka dhan ah haweenka saxafiyiinta ah.

Warbixinta ayaa tusaale usoo qaadatay Rooda Xasan Taakilo oo ka tirsan Goobjoog Media, taas oo 7-dii May 2026 lagu xiray degmada Deyniile ee Muqdisho, iyadoo muddo aan la ogeyn halka lagu hayo ay ku jirtay, taas oo caqabad ku noqotay dadaalladii qoyskeeda iyo asxaabteeda ay ku raadinayeen.

Sidoo kale, Suways Gacaye ayaa 2-dii July waxaa xiray ciidamada ammaanka Puntland, waxaana lagu hayey xabsiga dhexe ee Garoowe muddo 13 maalmood ah ka hor inta aan damiin lagu sii deyn 15-kii July.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu xusay Shukri Cabdi, oo sidoo kale loo yaqaan Shukri Caabi Cabdi, kana tirsan Shabelle Radio iyo TV, taas oo 7-dii May lagu xiray laguna weeraray degmada Xamar Jajab ee Muqdisho.

13-kii August ayay laba askari oo ka tirsan booliska moobilka weerareen xilli ay tabineysay dibadbax ka dhacay degmada Cabdi Casiis, waxaana laga qaatay taleefankeeda, iyadoo dhaawac kasoo gaaray gacanta oo sababay inay u baahato daaweyn isbitaal.

SOMWA ayaa sidoo kale diiwaangelisay dilka laba saxafi intii lagu jiray muddada warbixintu daboolayso, ayadoo Bashiir Maxamed Cabdullaahi, oo loo yaqaanay Bashiir Macallin, ahaa 24 jir kana tirsanaa Arlaadi Media Network, 3-dii September lagu toogtay meel u dhow gurigiisa magaalada Baydhabo, xilli ay halkaasi ka socdeen iska horimaadyo hubeysan, waxaana uu dhaawaca u geeriyooday afar maalmood kaddib.

Suxufigii ruug-caddaaga ahaa ee Maxamed Aweys Muudeey, oo 68 jir ahaa, isla markaana dalka dibaddiisa ku noolaa, ayaa isaguna 18-kii September lagu dilay weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Darmstadt ee dalka Jarmalka.

Iyadoo laga duulayo tacaddiyada ay diiwaangelisay, ururka SOMWA ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay soo saarto amar qoraal ah oo ciidamada xoogga dalka, booliska iyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ka mamnuucaya inay xiraan saxafiyiinta xilliyada ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Ururku wuxuu sidoo kale dalbaday in la dhiso hay’ad madax-bannaan oo qaabilsan baarista cabashooyinka ka dhanka ah hay’adaha amniga.

Shirkadda Meta oo iska leh Facebook ayaa iyadana laga codsaday inay sameyso hannaan degdeg ah oo lagu xaqiijiyo akoonnada xarumaha warbaahinta Soomaaliyeed, isla markaana ay xoojiso tallaabooyinka looga hortagayo dukumentiyada geerida ee been abuurka ah iyo cabashooyinka sharci darrada ah ee xuquuqda daabacaadda.

Sidoo kale, ururku wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay ilaalinta xorriyadda saxaafadda ka dhigto qodob muhiim ah oo lagu saleeyo wada-shaqeynta iyo taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Warbixinta SOMWA ayaa muujinaysa caqabadaha amni, sharci iyo kuwa dhanka bulshada ah ee ay wajahayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo haweenka wariyeyaasha ahi ay la kulmaan cadaadis dheeraad ah.