Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlad goboleedka HirShabeelle, Faarax Maxamed Cismaan, ayaa digniin u diray gaadiidleyda gobolka Hiiraan iyo shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee HirShabeelle ayaa lagu sheegay in gaadiidleyda iyo shirkadaha diyaaradaha aysan fulin karin amarro aan kasoo bixin wasaaradda, isla markaana ay waajib ku tahay inay raacaan awaamiirta hay’adda u qaabilsan maamulka gaadiidka iyo duulista hawada ee maamulkaas.
Wasaaraddu waxay si gaar ah uga digtay shirkadaha diyaaradaha ee ganacsiga inay ku milmaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan gobolka Hiiraan, iyadoo ugu baaqday inay ku ekaadaan howlaha ganacsi ee ay u haystaan ruqsadaha.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in cid kasta oo jebisa awaamiirteeda laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka HirShabeelle iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.
Maalmo ka hor, guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Maxamed (Maxamed Carab), oo diiday xil-ka-qaadis uu sheegay maamulka HirShabeelle, ayaa isaguna soo saaray amar uu shirkadaha diyaaradaha kaga dalbaday inaysan magaalada Baladweyne keenin mas’uuliyiin ka socda maamulka HirShabeelle.
Khilaafkan ayaa saameyn ku yeeshay arrimaha maamulka iyo isku socodka mas’uuliyiinta, iyadoo welwel laga muujinayo in khilaafaadka siyaasadeed ay saameyn ku yeeshaan adeegyada gaadiidka iyo duulimaadyada gobolka.