BAYDHABO (Goobjoog News) – Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir aan caadi ahayn ka guddoomiyey magaalada Baydhabo, kaas oo looga hadlay xoojinta amniga deegaannada maamulkaas.
Shirka oo qabsoomay 1-da Nofeembar 2026 ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni, adkaynta sugidda amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa ku adkeeyey hay’adaha amniga muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo howlaha sugidda amniga, lana joogteeyo dadaallada lagu ilaalinayo shacabka iyo hantidooda.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhexmarta hay’adaha amniga iyo qaybaha kala duwan ee dowladda si loo xaqiijiyo nabadgelyada deegaannada maamulkaas.
Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed Eleey, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaar iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada, Cabdiraxiin Maxamed Xasan Laamey.
Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay inuu dardargelinayo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida deegaannada uu maamulo.