U bood dhigaalka

Wasiirka Deegaanka Waqooyi Bari oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii wasiirnimo

Oktoobar 31, 2026

Muqdisho, 31 Oktoobar 2026: Wasiirkii Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Maamulka Waqooyi Bari, Siciid Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay maamulkaas.

Siciid Maxamed Cabdiraxmaan ayaa warkan ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah, isaga oo caddeeyay in maanta oo ay taariikhdu tahay 31-ka Oktoobar 2026 uu go’aansaday inuu ka tago xilka wasiirnimo.

“Maanta 31/10/2026, waxa aan halkan ku caddeynayaa inaan si rasmi ah isaga casilay xilka Wasiirnimo ee Maamul Goboleedka Waqooyi Bari,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Ilaa hadda ma uusan faahfaahin sababaha ku kallifay inuu xilka iska casilo, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda beddeli doonta.