Shirkadda Binance ayaa sheegtay in weerar saybar oo lagu qaaday nidaamkeeda looga xaday hanti dhijitaal ah oo qiimaheedu gaarayo qiyaastii $6.3 bilyan, dhacdadaas oo noqon karta xatooyadii ugu weyneyd ee abid ka dhacda suuqyada lacagaha dhijitaalka ah.
Weerarka ayaa dhacay habeenkii 29-ka Oktoobar, waxaana lacagaha laga saaray keydadka internetka ku xiran ee shirkadda—hot wallets—iyadoo la adeegsaday toban shabakad oo blockchain ah, waxaana weerarka intiisa badan la sheegay inuu dhacay muddo ku dhow 20 daqiiqo.
Binance ayaa markii hore sheegtay in baaritaankeeda hordhaca ahi tilmaamayo in la jabsaday kombiyuutarka mid ka mid ah injineerradeeda DevOps-ka, taas oo weeraryahannada u sahashay inay gudaha u galaan qayb ka mid ah nidaamka ayna sameeyaan lacag-bixinno aan la fasixin.
Hase yeeshee, shirkaddu waxay cusboonaysiinteedii dambe ku sheegtay inay ogaatay meelo kale oo nidaamka laga soo galay, sidaas darteedna baaritaanku weli socdo. Binance waxay sheegtay inaan ilaa hadda la helin caddeyn muujinaysa in furayaasha gaarka ah ee keydadka lacagaha la xaday.
Shirkadda iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ku guuleystay inay xannibaan ku dhowaad $3 bilyan oo ka mid ah hantida la xaday, weli lama soo celin qaybta kale oo qiimaheedu ka badan yahay $3.3 bilyan, waxaana socda raadraac ay ka qaybqaadanayaan laamaha ammaanka, shirkadaha falanqeeya blockchain-ka iyo hay’adaha soo saara lacagaha dhijitaalka ah.
Binance ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay lacag-bixinta macaamiisha, iyadoo samaynaysa baaritaanno amni iyo dayactir farsamo, Lacag-dhigashada iyo adeegyada kale ee aan saameynta gaarin ayaa sii shaqaynaya, shirkadduna waxay sheegtay in lacagaha macaamiishu ammaan yihiin.
Maamulka Binance ayaa ballanqaaday in shirkaddu dusha saaran doonto khasaaraha, isla markaana aan macaamiisha lagu wareejin doonin. Waxay diyaarisay in ka badan $6.34 bilyan oo laga soo qaadayo hantida shirkadda iyo Sanduuqa Badbaadinta Isticmaalayaasha—SAFU—si loogu buuxiyo lacagaha la xaday.
Shirkadaha falanqaynta blockchain-ka ee TRM Labs iyo Chainalysis ayaa weerarka ku tuhmay kooxda TraderTraitor ee lala xiriiriyo Lazarus Group iyo dowladda Kuuriyada Waqooyi. Binance, se, waxay sheegtay in baaritaankeeda uusan weli si rasmi ah mas’uuliyadda ugu saarin qof ama koox gaar ah.
Weerarka ayaa gilgilay suuqyada lacagaha dhijitaalka ah. Bitcoin ayaa hoos ugu dhacday heerkii ugu hooseeyey lix toddobaad, halka Ether uu gaaray qiimihii ugu hooseeyey muddo laba bilood ah. Dhacdadu waxay sare u qaadday walaaca laga qabo ammaanka barxadaha dhexe ee gacanta ku haya hantida malaayiin macaamiil ah.
Dhacdadan waxay sidoo kale muujinaysaa in xitaa shirkadaha ugu waaweyn suuqa lacagaha dhijitaalka ahi ay nugul yihiin marka hal meel lagu ururiyo hanti aad u badan. Binance waxay ballanqaadday inay daabici doonto warbixin farsamo oo faahfaahsan iyo caddeyn cusub oo ku saabsan keydkeeda marka baaritaanku soo dhammaado.