Ciidamo ka tirsan kuwa ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa la sheegay inay ka soo goosteen ciidamadii ay ka tirsanaayeen, iyagoo ku biiray garabka Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).
Ciidamadan oo la sheegay inay tiro badan yihiin ayaa ku biiristooda imaneysa xilli ay jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka taagan degmada Waajid, halkaas oo la sheegay in duullaan lagu doonayo in lagula wareego uu ku soo wajahan yahay.
Isbeddelkan ku yimid dhinaca ciidamada ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ay tahay mid kacsan, iyadoo loollanka ka jira maamulka uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ciidamada iyo siyaasiyiinta deegaanka.