U bood dhigaalka

Maxaa Soomaaliya  ka Hortaagan inay si Buuxda uga Faa’iidaysto Kheyraadkeeda Kalluumeysiga?

Nofeembar 3, 2026

Soomaaliya ayaa weli si kooban uga faa’iidaysanaysa kheyraadka baaxadda leh ee kalluunka ee ku jira baddeeda, inkasta oo muddo sanado ah ay socdeen dadaallo lagu horumarinayo waaxda kalluumeysiga oo dalka u horseeda karta dhaqaale balaayiin dollar ah.

Warbixin uu daabacay wargeyska The EastAfrican ayaa muujineysa in Soomaaliya ay sannadkii soo saarto ku dhowaad 30,000 oo tan oo kalluun ah, halka awoodda wax-soo-saarka kalluunka ee baddeeda lagu qiyaasay ilaa 600,000 oo tan sannadkii.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Cabdi Dirshe, ayaa sheegay in farqiga u dhexeeya awoodda kalluumeysiga dalka iyo wax-soo-saarka hadda jira uu gaarayo ku dhowaad 570,000 oo tan, isaga oo xusay in maalgashi dheeraad ah uu muhiim u yahay sidii looga faa’iidaysan lahaa fursaddan dhaqaale.

Sida uu sheegay, haddii si wanaagsan looga faa’iidaysto kheyraadka kalluunka, waxaa suuragal ah in waaxdani ay dalka u soo xareyso dakhli sannadle ah oo u dhexeeya 1.8 ilaa 3 bilyan oo dollar, isla markaana ay abuurto in ka badan 210,000 oo shaqo.

Arrintan ayaa mar kale soo bandhigtay baahida loo qabo in la helo maalgashi lagu sameeyo doomaha iyo qalabka kalluumeysiga, goobaha kalluunka lagu soo dejiyo, xarumaha qaboojinta, warshadaha farsameeya kalluunka iyo nidaamyada dhoofinta.

Isku-duwaha Mashruuca Horumarinta Kalluumeysiga Waara ee Soomaaliya, oo loo yaqaan Badmaal, Cabdullaahi Aadan, ayaa sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025–2029 uu mudnaan siinayo maalgashiga gaarka loo leeyahay, horumarinta suuqyada iyo iskaashiga dowladda iyo ganacsatada.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa sameysay sharciyo iyo siyaasado loogu talagalay dhiirrigelinta maalgashiga, waxaana ka mid ah Sharciga Maalgashiga, siyaasadda iskaashiga dowladda iyo ganacsatada, Sharciga Kalluumeysiga iyo xeerarka badqabka cuntada.

Waxaa sidoo kale jira shirkado maxalli ah oo bilaabay maalgashi la xiriira farsameynta kalluunka iyo dhismaha doomaha, kuwaas oo la filayo inay gacan ka geystaan abuurista shaqooyin iyo kobcinta xirfadaha dhalinyarada.

Guddoomiyaha Ururka Dhoofiyeyaasha Kalluunka Soomaaliya, Injineer Cali Ibraahim Siyaad, ayaa sheegay in dadaallada dhinaca tayeynta iyo shahaadooyinka badeecadaha badda ay muhiim u yihiin sidii kalluunka Soomaaliya loogu furi lahaa suuqyada caalamka, gaar ahaan Mareykanka, Shiinaha, Bariga Dhexe iyo dalalka Bariga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, caqabado dhowr ah ayaa weli hortaagan horumarinta waaxdan, waxaana ugu waaweyn kaabeyaasha dhaqaalaha oo aan ku filneyn, qalab la’aanta iyo awoodda xaddidan ee lagu ilaalin karo kheyraadka badda.

Khabiir ku takhasusay kalluumeysiga oo lagu magacaabo Cumar Cabdulle Xayle ayaa sheegay in amniga uu yahay qodobka ugu horreeya ee ay maalgashadayaashu tixgeliyaan, maadaama ay u baahan yihiin inay ilaashadaan shaqaalahooda iyo hantidooda.

Soomaaliya oo leh xeeb dhererkeedu yahay ku dhowaad 3,333 kilomitir ayaa leh fursado waaweyn oo dhinaca dhaqaalaha badda ah,balse khubaradu waxay aaminsan yihiin in ka faa’iidaysiga kheyraadkaasi uusan ku koobnaan karin kordhinta kalluumeysiga oo keliya, hayeeshee loo baahan yahay maamul hufan, ilaalinta deegaanka badda iyo maalgashi lagu kobcinayo wax-soo-saarka gudaha.