U bood dhigaalka

Ciidanka Badda Hindiya oo Sheegay inay Soo Fureen Markabkii Azini ee Burcad-badeedda Soomaalidu Afduubteen

Nofeembar 3, 2026

Ciidanka Badda Hindiya ayaa sheegay inay soo afjareen afduubkii markabka kalluumeysiga ee Azini, kaas oo koox burcad-badeed Soomaali ahi dhowaan ku qabsadeen xeebaha Soomaaliya, kaddib howlgal socday ku dhowaad 48 saacadood.

Ciidamada Hindiya ayaa sheegay inay heleen goobta uu markabku ku sugnaa, kaddibna ay Isniintii fuliyeen howlgal ay ku soo furteen markabka, isla markaana ay ku badbaadiyeen 20 qof oo ka mid ahaa shaqaalihii la socday.

Howlgalkan ayaa ka dhacay meel in ka badan 3,000 oo kiiloomitir u jirta magaalada Mumbai, waxaana iska kaashaday Ciidanka Badda iyo Ciidanka Cirka Hindiya, kuwaas oo sameeyay dabagal iyo isku-duwid lagu raadinayay markabka.

Xogta laga helay dhacdada ayaa sheegaysa in markabka ay qabsadeen 12 nin oo hubeysan oo lagu tuhunsan yahay burcad-badeednimo, ayadoo Markabka ay saarnaayeen 21 shaqaale oo u dhashay Iiraan iyo laba ilaalo Soomaali ah, taasoo tirada guud ka dhigeysay 23 qof.

Wasiirka Gaashaandhigga Hindiya, Rajnath Singh, ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu badbaadiyay 20 shaqaale, isaga oo bogaadiyay ciidamada ka qeyb qaatay hawlgalka, wuxuuna sheegay in badbaadinta shaqaalaha ay ka dhalatay qorsheyn iyo isku-duwid socotay 48 saacadood.

Afduubka markabka Azini ayaa dib u soo nooleeyay walaaca laga qabo amniga xeebaha Soomaaliya, xilli ay soo baxayaan dhacdooyin la xiriira weerarro iyo afduubyo ka dhan ah maraakiibta isticmaala Badda Carabta iyo galbeedka Badweynta Hindiya.