U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Jabuuti oo Heshiis Is-afgarad ah ku Kala Saxiixday Iskaashiga Labada Baarlamaan

Nofeembar 3, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita, ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta labada baarlamaan.

Heshiiskan oo lagu kala saxiixday magaalada Jabuuti, ayaa diiradda saaraya horumarinta iskaashiga dhinacyada sharci-dejinta, is-weydaarsiga khibradaha iyo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha labada gole.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah qabashada tababbarro wadajir ah, cilmi-baarista sharciyeed, casriyeynta habraacyada shaqo iyo horumarinta awoodda hay’adaha sharci-dejinta ee labada dal.

Sidoo kale, heshiiska ayaa dhigaya in la xoojiyo wada-shaqeynta guddiyada joogtada ah ee labada baarlamaan, iyadoo la ballaarinayo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah iyo ilaalinta amniga xogta.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay dhismaha kooxo saaxiibtinimo oo ka dhexeeya baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti, kuwaas oo ka shaqeyn doona xoojinta xiriirka, is-dhexgalka iyo wada-tashiga labada gole.

Heshiiska ayaa sidoo kale ku saabsan isku-duwidda mowqifyada labada baarlamaan ee kulamada iyo fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami, si loo horumariyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan.

Saxiixa heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xariirka Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo labada dal ay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku dhisan af, dhaqan, derisnimo iyo walaaltinimo.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu abuuro hannaan wada-shaqeyn oo joogto ah, isla markaana labada baarlamaan u fududeeyo is-weydaarsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada la xiriirta gudashada waajibaadkooda sharci-dejineed.