Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan hannaanka doorashooyinka ayaa sii xoogeysanaya, kaddib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyey jadwalka doorashooyinka, tallaabadaas oo ay mucaaradka iyo siyaasiyiin kale qaarkood ka muujiyeen diidmo, iyaga oo ku baaqay in marka hore heshiis siyaasadeed laga gaaro qaabka doorashada dalka loo qabanayo.