Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay isla markaana hadal ka jeediyey Shirka Aasaaska Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Dalalka Afrika ee ku hadla Af-Carabiga AFROSAI-A, oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar.