Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), ayaa maalmahan sii xoogeysanaya, iyadoo muranka labada mas’uul uu saameyn ku yeeshay xiriirkooda siyaasadeed iyo shaqada Baarlamaanka maamulka.