2 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Maxaa ka socda magaalada Carmo oo ay Saldhig ku lahaayeen ciidamo Hoostaga DFS? Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dhaqdhaqaaq ciidan oo laga soo sheegayo deegaanka Carmo, halkaas oo la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa ka diiwaangashan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xalay u dhaqaaqeen dhanka bari ee Puntland.
3 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dagaalka Suudaan oo Halis Geliyay Mustaqbalka Jiil Dhan iyo Qaramada Midoobay oo Digniin Culus Soo Saartay Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan uu halis weyn ku yahay mustaqbalka jiil dhan oo carruur ah, iyadoo in ka badan 8 milyan oo carruur ah oo da’doodu tahay da’da waxbarashada ay hadda ka maqanyihiin iskuullada.
2 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Ganacsiga Qiimaha shidaalka oo Kor u Kacay, iyadoo Walaac Laga Qabo Mustaqbalka Marin-biyoodka Hormuz Qiimaha saliidda ceeriin ee caalamka ayaa sare u kacay Jimcihii, iyadoo suuqyada tamarta ay si dhow ula socdaan qorsheyaal cusub oo ay Iiraan soo bandhigtay oo ku saabsan maamulka maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
2 daqiiqo Sheeko:Madaxweynaha 10-aad, Warar & Warbixino Madaxweynaha Soomaaliya oo Qaabilay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Yugaandha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Jamhuuriyadda Yugaandha, General Sam Okiding, oo booqasho ku jooga Muqdisho si uu uga qayb galo Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ciidamadoodu ka howlgalaan Soomaaliya.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maxaa laga filan karaa kulanka hoggaamiyaasha Sacuudiga, Pakistan, iyo Turkiga? Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa saaka booqasho hal maalin ah ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif.
3 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xiisadda Cusub eeTigrey iyo saameynteeda gobolka Inkastoo heshiiskii nabadda ee Pretoria ee la saxiixay bishii Nofeembar 2022 uu soo afjaray dagaalkii labada sano socday ee u dhexeeyay dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay (TPLF), haddana gobolka Tigraay ayaa mar kale wajahaya xiisado siyaasadeed iyo kuwo militari oo sii xoogeysanaya.
2 daqiiqo Sheeko:GOLAHA WASIIRRADA SOOMAALIYA Maxaa looga hadlay shirkii Golaha wasiirrada XFS ee maanta? Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo warbixin ku saabsan Geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad (Polycarbonate E-Passport), kaasi oo fududeyn doona isku-socodka, dib-u-habeynta Baasaboorka dalka iyo habka ay ku helayaan muwaadiniinta.
2 daqiiqo Sheeko:War Soomaaliya iyo Pakistan oo Ka wada-hadlay Iskaashiga Difaaca iyo Horumarinta Ciidamada Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo wefdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Pakistan, ayaa booqday xarunta shirkadda Global Industrial & Defence Solutions (GIDS) iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha difaaca dalkaas.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Maamulka Puntland oo La Wareegay Xeradii Ciidamada PSF ee Magaalada Boosaaso Ciidamada maamulka Puntland ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay xeradii ay ku sugnaayeen ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, kaddib is-afgarad ay gaareen saraakiishii PSF ee ku sugneyd xerada iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Madaxweynaha Iiraan ayaa sheegay in ay adagtahay inuu la xiriiro Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas Mojtaba Khamenei Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in wada-xiriirka uu la leeyahay Hoggaamiyaha Sare ee dalka, Mojtaba Khamenei, uu haatan yahay mid aad u adag, taas oo muujinaysa caqabado ka jira heerarka ugu sarreeya ee hoggaanka Iiraan.