14-kii Oktoobar, Sanadkii 2017, Soomaaliya waxaa ka dhacay mid ka mid ah qaraxyadii ugu waaweynaa uguna khasaaraha badnaa taariikhda dalka, kaas oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, isla markaana sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawaca dad kale oo aad u tiro badan.