2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 7 qof oo ku Geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay Kenya Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga Kenya, kadib markii helicopter dalxiis ah uu ku burburay deegaanka Samburu County, iyadoo dhammaan dadkii saarnaa ay dhinteen.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Iiraan oo Mareykanka ku eedeysay argagixisanimo dhaqaale Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa si adag uga hadlay siyaasadda dhaqaale ee Mareykanka, isagoo ku eedeeyay Washington inay waddo tallaabooyin uu ku tilmaamay argagixiso dhaqaale, kuwaas oo sida uu sheegay khatar ku ah dhaqaalaha caalamka iyo madaxbannaanida dalalka.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Haweeney 84 jir ah oo si mucjiso ah looga badbaadiyay burburka dhul gariir saddex maalmood ka hor ka dhacay Indonesia Haweeney 84 jir ah oo curyaan ah ayaa si mucjiso ah nolol loogu helay iyadoo ku hoos jirta burburka gurigeeda, saddex maalmood kaddib dhulgariir xooggan oo ku dhuftay jasiiradda Flores iyo deegaannada ku dhow.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Lubnaan oo Suuriya u gacan geliyay Jeneraal hore oo ka tirsanaa ciidankii Bashaar Al-Asad Dowladda Lubnaan ayaa mas’uuliyiinta Suuriya ku wareejisay Jeneraal hore oo sare uga tirsanaa ciidankii dowladdii Bashaar Al-Asad, kaas oo wajahaya eedeymo la xiriira dil, jirdil iyo dambiyo kale oo culus.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Imaaraadka oo joojiyay ganacsiga iyo macaamilka Iiraan, ka dib weerar lagu eedeeyay Tehran Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in si ku-meel-gaar ah loo hakiyay dhammaan is-weydaarsiga ganacsi iyo macaamilka maaliyadeed ee kala dhexeeya Iiraan, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay socon doonto ilaa amar dambe.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo sheegay inaysan jirin wax wada-hadal ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iraan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in aysan hadda jirin wax wada-hadal ama qorshe wada-hadal oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka ku saabsan mustaqbalka marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Mareykanka oo sheegay in aan Qasa dib loo dhisi doono ilaa Xamaas hubka dhigto Ergayga Mareykanka Jared Kushner ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uusan oggolaan doonin dib-u-dhiska Marinka Gaza ilaa Xamaas ay hubkeeda dhigto, xilli dadaallada Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ay weli wajahayaan caqabado.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo sheegay inuu doonayo in Marinka Hormuz loogu dhawaaqo dhul Mareykanku leeyahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo in Marinka Hormuz loogu dhawaaqo dhul ka tirsan Mareykanka, wuxuuna hadalkiisu noqday mid sii kordhin kara xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran xilli dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan uu weli socdo.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Iiraan oo lagu eedeeyay weerarro lagu qaaday laba markab oo uu leeyahay Imaaraadku Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaareysay Iiraan, kaddib markii ay sheegtay in laba markab oo xiriir la leh shirkadda qaranka shidaalka ee Abu Dhabi, ADNOC, oo la weeraray xilli ay marayeen Marin-biyoodka Hormuz
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Duqeymaha Mareykanka ee Yemen oo sababay dhimashada 153 qof Qiimeyn ay samaysay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeymo ay ciidamada Mareykanku ka fuliyeen Yemen sannadkii 2025 ay sababeen dhimashada 153 qof oo rayid ah, halka 243 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.