Rabshado ka dhan ah ajaanibta oo ka dhacay deegaannada Soweto iyo Durban ee dalka Koonfur Afrika ayaa sababay bililiqo, gubidda gaadiidka iyo burbur hantiyeed, iyadoo ganacsatada ajaanibta ah, oo ay Soomaalidu ka mid tahay, ay wajahaan walaac cusub oo la xiriira badbaadadooda.