Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Robert Flannery, oo ah la-taliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Afrika ee Dowladda Mareykanka, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.