U bood dhigaalka

Mareykanka oo Amray in Shaqaalaha Safaaraddiisa iyo Qoysaskooda laga Daadgureeyo Sacuudiga

Oktoobar 22, 2026

Dowladda Mareykanka ayaa amartay in shaqaalaha aan hawlaha degdegga ah ku jirin ee safaaraddeeda Sacuudiga iyo xubnaha qoysaskooda ay dalkaas ka baxaan, iyadoo laga cabsi qabo inay sii kordhaan weerarrada ka dhanka ah boqortooyada.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen ee lala xiriiriyo Iiraan, kuwaas oo lagu beegsanayo xarumo muhiim ah oo ku yaalla Sacuudiga, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha iyo kaabayaasha shidaalka.

Wararka ay baahiyeen warbaahinta caalamiga ah ayaa sidoo kale sheegaya in xubnaha qoysaska shaqaalaha safaaradaha Mareykanka ee Imaaraadka Carabta, Urdun, Qatar iyo Baxrayn lagu amray inay baxaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa caddeysay in amarka rasmiga ah uu khuseeyo shaqaalaha aan hawlaha degdegga ah ku jirin iyo qoysaskooda ee Sacuudiga, iyadoo aan la xaqiijin in isla amarkaas si rasmi ah looga dhaqan geliyey afarta dal ee kale.

Tallaabadan ayaa timid kadib weerarro dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Sacuudiga, ayadoo weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Fahd ee magaalada Dammam uu ku dhintay hal qof, siddeed kalena  ku dhaawacmeen, halka weerar kale oo lala beegsaday goob shidaal oo ay leedahay shirkadda Saudi Aramco uu sababay dhimashada laba qof.

Safaaradda Mareykanka ee Riyadh ayaa sidoo kale soo saartay digniin amni, iyadoo muwaadiniinta Mareykanka looga digay suurtagalnimada weerarro kale iyo carqalado ku yimaada isu-socodka gaadiidka.

Go’aankan ayaa muujinaya walaaca sii kordhaya ee Washington ka qabto xaaladda amni ee Sacuudiga, iyadoo xiisadaha gobolka ay halis gelinayaan xarumaha rayidka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga shaqaalaha diblomaasiyadeed.