U bood dhigaalka

Dagaalka Mooyaalee oo Sababay Barakaca In ka badan 14,000 oo Qof

Oktoobar 25, 2026

In ka badan 14,000 oo qof ayaa ka barakacay dagaallo dhiig badan ku daatay oo magaalada Mooyaale ku dhex maray Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada.

  Dadkan ayaa u tallaabay dalka deriska la ah ee Kenya si ay uga badbaadaan rabshadaha halkaas ka socda oo u muuqda kuwo faraha ka sii baxaya.

Saraakiisha samafalka ayaa Sabtidii sheegay in tirada dadka barakacay ay si weyn u korortay, iyadoo kumannaan qof ay magangelyo ka raadsadeen magaalada xuduudda ku taalla ee Mooyaale dhinaca Kenya

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in in ka badan 10,900 oo qof la dejiyay lix xero oo ku-meel-gaar ah oo ku yaalla Mooyaale-Kenya, halka ku dhowaad 4,000 oo kale ay hoy ka heleen eheladooda iyo qoysas deegaanka ah.

Tiradaasi waxay muujinaysaa koror degdeg ah marka loo eego Jimcihii, xilligaas oo maamulka gobolka Marsabit ee Kenya uu sheegay in in ka badan 2,000 oo qof ay xadka soo gudbeen kaddib markii rabshaduhu billowdeen Arbacadii.

Xiisaddan u dhexeysa bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada ee ku nool deegaanka
ayaa sii xoogeysatay kaddib muran ka dhashay bandhigga calanka Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo laga taagay deegaan hoos yimaada maamulka gobolka.