Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada munaasabadda caleemasaarka hoggaanka cusub ee maamulka Galmudug.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Hoggaamiyaha Galmudug, oo ku taariikhaysan 24-ka Oktoobar 2026, ayaa lagu sheegay in guddigan loo magacaabay diyaarinta iyo isku-dubbaridka munaasabadda caleemasaarka hoggaamiyaha iyo hoggaamiye ku-xigeenka maamulka.
Guddiga ayaa ka kooban 15 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Abshir Maxamed Axmed, halka Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley) ayaa noqonaya xoghayaha guddiga.
Xubnaha kale ee guddiga waxaa ka mid ah Bashir Maxamuud Jaamac Goobe, Cumar Cali Cabdi, Ilyaas Sheekh Axmed, Raysal Qorane Abshir, Dayax Axmed Cumar, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar, Faadumo Cabdi Cali (Faandhe), Xuseen Axmed Culusow, Maxamed Xuseen Abukar (Awliyo), Daahir Maxamuud Maxamed (Geessaweyne), Xabiib Birmad Cigaal iyo Cumar A. Shido.
Wareegtada ayaa guddiga u xilsaaraysa diyaarinta qorshaha guud iyo jadwalka munaasabadda, isku-dubbaridka hawlaha maamulka iyo martiqaadyada, iyo diyaarinta goobta iyo agabka loo baahan yahay.
Guddiga ayaa sidoo kale masuul ka noqonaya xiriirinta hay’adaha dowladda, diyaarinta miisaaniyadda iyo kharashaadka munaasabadda, iyo hubinta in hawlaha qabanqaabadu u socdaan si habsami leh.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in guddigu diyaarin doono warbixin kama dambays ah oo ku saabsan kharashaadka iyo natiijada hawlaha qabanqaabada.