U bood dhigaalka

Dhisme Weli Dhismihiisu Socday oo ku Dumay Xaafadda Eastleigh ee Nairobi

Oktoobar 23, 2026

Dhisme 12 dabaq ah oo dhismihiisu socday ayaa ku dumay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, Kenya, iyadoo gurmadayaashu ay wadaan hawlgallo lagu baadigoobayo dad laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan burburka dhismaha.

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in dhismaha uu dumay xilli ay goobta ku sugnaayeen dad, waxaana la sheegay in dadka qaar ay ku xannibnaan karaan burburka hoostiisa.

Guddoomiyaha Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa xaqiijiyey dhacdada, iyadoo ciidamada gurmadka iyo dadka deegaanka ay ku howlan yihiin badbaadinta dadka iyo ka saarista burburka.

Muuqaallo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya mashiinno waaweyn oo ka shaqeynaya burburka dhismaha, halka dadweyne badan ay isugu soo baxeen agagaarka goobta.

Dhismaha ayaa la sheegay inuu ahaa mid weli dhismihiisu socday, waxaana ilaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay inuu dumiyo.

Sidoo kale, ma jiraan tiro rasmi ah oo la xaqiijiyey oo ku saabsan dadka ku dhintay, kuwa dhaawacmay ama kuwa laga yaabo inay ku hoos jiraan burburka.

Hawlgalka gurmadka ayaa weli socda, iyadoo la filayo in maamulka Kenya uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo xaaladda dadka iyo sababta keentay dumitaanka dhismaha.