U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo DRC oo ka wada hadlay maalgelinta iyo ballaarinta adeegyada biyaha

Oktoobar 22, 2026

Muqdisho — Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) ee Soomaaliya, Filip Lozinski.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adda DRC, gaar ahaan adkeynta adeegyada biyaha, wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo iyo horumarinta helitaanka biyo ku filan oo ay helaan bulshada Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay isku-duwidda mashaariicda biyaha ee ka socda deegaannada kala duwan, si looga fogaado is-dulsaarka mashaariicda, loona waafajiyo barnaamijyada socda siyaasadaha iyo istaraatiijiyadaha qaranka ee biyaha.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale la falanqeeyay qorshayaasha lagu ballaarinayo adeegyada biyaha ee deegaannada baahida gaarka ah qaba, iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo helo maalgelin dheeraad ah oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha ee magaalooyinka iyo miyigaba.

Kulanka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, agaasimayaal waaxeedyo iyo la-taliyeyaal, iyadoo kulanku qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee horumarinta adeegyada biyaha Soomaaliya.