Dowladaha Qatar, Turkiga, Pakistan iyo Indonesia ayaa heshiis cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga warshadaha difaaca iyo wax-soo-saarka hubka ku kala saxiixday magaalada Doha ee caasimadda Qatar, xilli dalalka gobolka ay dadaal ugu jiraan xoojinta awooddooda militari iyo yareynta ku tiirsanaanta dalal shisheeye.
Heshiiskan oo loogu magac daray “Badr” ayaa la saxiixay 21-kii Oktoobar 2026, waxaana uu diiradda saaraya wadajirka wax-soo-saarka qalabka difaaca, is-weydaarsiga tiknoolajiyadda, tababarrada farsamo ee ciidamada iyo iskaashiga cilmi-baarista iyo horumarinta qalabka militari.
Wasaaradda Difaaca Qatar ayaa sheegtay in heshiisku ujeeddadiisu tahay sare u qaadista awoodda difaac ee afarta dal iyo horumarinta warshado soo saari kara qalab la jaanqaadaya baahiyaha casriga ah ee difaaca.
Falanqeeyayaasha arrimaha militari ayaa qaba in heshiiskani uu ka tarjumayo isbeddel ku socda istaraatiijiyadda amni ee dalalka Bariga Dhexe iyo Aasiya, gaar ahaan iyadoo ay sii socdaan xiisadaha gobolka iyo dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran.
Khilaafaadka amni ee gobolka iyo hubanti la’aanta ku saabsan heshiis nabadeed oo waara ayaa dalal badan ku dhiirrigeliyay inay ballaariyaan xiriirkooda difaac, si ay u helaan ilo hub iyo tiknoolajiyad oo kala duwan, halkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahaayeen hal dal.
Marka la eego kaalinta dal kasta, Turkiga ayaa la filayaa inuu wax weyn ku biiriyo khibraddiisa tiknoolajiyadda, isku-dubbaridka nidaamyada difaaca iyo warshadaha hubka, ayadoo Pakistan iyo Indonesia ay keeni karaan awood wax-soo-saar, shaqaale xirfad leh iyo suuqyo waaweyn, halka Qatar ay leedahay awood maalgashi iyo baahi ay u qabto qalabka difaaca.
Heshiiska cusub wuxuu sidoo kale sii xoojinayaa iskaashiyo militari oo ay dalalkani hore u lahaayeen, waxaan Turkiga iyo Pakistan ay hore uga wada shaqeynayeen dhismaha maraakiibta dagaalka, iyadoo laba ka mid ah afarta markab ee mashruucooda lagu heshiiyay lagu dhisayo magaalada Istanbul, halka labada kale lagu dhisayo magaalada Karachi ee pakistand.
Khubarada ayaa aaminsan in heshiiska cusub uu abuuri karo silsilado wax-soo-saar oo ay afarta dal si wadajir ah ugu horumarin karaan, ugu soo saari karaan uguna dayactiri karaan qalabka militari.
Tallaabadan ayaa sidoo kale abuuri karta shaqooyin cusub, yareyn karta kharashaadka wax-soo-saarka, isla markaana sare u qaadi karta awoodda dalalka ka qeybgalaya ee ay ku maareynayaan baahiyahooda difaac.
Heshiiska Doha ayaa sidoo kale imanaya xilli ay jiraan dadaallo kale oo lagu xoojinayo iskaashiga difaaca ee gobolka, ayadoo Sacuudi Carabiya, Pakistan iyo Turkiga bishii Agoosto kala saxiixdeen heshiiska difaaca wadajirka ah ee Makka, kaas oo la xiriira iskaashiga militari iyo is-celinta khataraha amni.