U bood dhigaalka

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay ujeeddooyinka heshiiska Diiwaangelinta Ma’duunka iyo Fulinta Guurka

Oktoobar 21, 2026

Muqdisho, 21 Oktoobar 2026 — Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay ujeeddooyinka heshiiska Diiwaangelinta Ma’duunka iyo Fulinta Guurka, kaas oo lagu xoojinayo nidaaminta guurka, diiwaangelintiisa iyo ilaalinta xuquuqda qoysaska Soomaaliyeed.

Ma’duunka waxaa loola jeedaa dadka loo igmaday ama loo oggolaaday inay si rasmi ah u fuliyaan meherka guurka, sida wadaaddada ama culimada loo aqoonsan yahay inay meherka qabtaan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in heshiiskan uu salka ku hayo Qodobka 122-aad ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Qodobka 5-aad ee Xeer-nidaamiyaha Shaqada iyo Nidaamka Xukuumadda iyo Xeerka Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxay 15-kii Febraayo 2025.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda, heshiiska ayaa diiradda saaraya nidaaminta diiwaangelinta guurka, ilaalinta xuquuqda iyo waajibaadka ma’duunka, iyo xaqiijinta in guurka loo fuliyo si waafaqsan shuruucda dalka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in heshiisku uu qeexayo waajibaadka iyo hay’adaha dowladeed ee leh awoodda diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta ma’duunka, fulinta guurinta iyo xaqiijinta guurka, iyo diiwaangelinta dhacdooyinka guurka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ay dhammaan ma’duunka Soomaaliyeed ugu baaqayso inay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda, isla markaana hoggaansamaan shuruudaha iyo habraacyada lagu nidaaminayo hawshan.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo sirta iyo xogta shakhsiga ah ee la xiriirta guurka, si waafaqsan shuruucda dalka.

Ugu dambayn, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqayn doonto Wasaaradaha Caddaaladda ee dowlad-goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo hay’adaha kale ee ay khusayso, si loo xaqiijiyo wada-shaqayn iyo isku-duwid ku saabsan nidaaminta ma’duunka iyo fulinta guurka.