U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar oo Taageerayaasheeda ka Dalbatay Deeq Lacageed kaddib Markii Dacwad lagu Furay

Oktoobar 22, 2026

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa taageerayaasheeda ugu baaqday inay siiyaan taageerada dhaqaale, kaddib markii gurigeeda ay baaritaan ku sameeyeen hay’adaha federaalka Mareykanka, sida ay ku sheegtay muuqaal ay baahisay.

Ilhaan, oo matasha xisbiga Dimuqraadiga, ayaa markii ugu horreysay kasoo muuqatay muuqaal la duubay iyadoo ku jirta gaari, meel aan la shaacin, tan iyo markii la sheegay in gurigeeda la baaray.

Muuqaalka ayay ku sheegtay inay taageerayaasheeda ka codsanayso deeqo lacageed oo ka bilaabanaya shan doollar, iyadoo ku boorrisay inay sii wadaan taageerada ololaheeda siyaasadeed iyo waxa ay ku tilmaantay iska-caabin iyo tallaabo-celin.

Xildhibaannadda ayaa sidoo kale ku eedeysay maamulka Mareykanka inuu isku dayayo inuu cabsi geliyo, xilli dalkaasi uu isu diyaarinayo doorashooyinka bartamaha muddada ee Congress-ka, kuwaas oo la filayo bisha soo socota.

Dhanka kale, warbixinta ayaa sheegaysa in Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ay baaritaan ka sameysay guriga Ilhaan Cumar, iyadoo la sheegay in laga qaaday faylal, baasaboorro iyo taleefoonnno, taas oo la xiriirta baaritaanno ay wadaan hay’adaha federaalka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay jiraan su’aalo la xiriira xaaladda dhalashada Mareykanka ee Ilhaan Cumar, kuwaas oo la sheegay in markii ugu horreysay la bilaabay xilligii maamulkii madaxweynihii hore Joe Biden.