U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar oo Qorsheynaysa inay ka Guurto Gurigeeda Washington kaddib Baaritaankii lagu Sameeyay

Oktoobar 23, 2026

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay ka guurto gurigeeda ku yaalla magaalada Washington, DC, kaddib markii toddobaadkii hore ay halkaas baaritaan ka sameeyeen hay’adaha dowladda federaalka Mareykanka, iyadoo sabab uga dhigtay walaac la xiriira ammaankeeda.

Ilhaan Cumar ayaa arrintan markii ugu horreysay kaga hadashay wareysi ay siisay telefishinka MS NOW, iyadoo sheegtay in dhacdadaasi ay ku abuurtay dareen ammaan-darro ah, taasoo ku qasabtay inay dib uga fikirto sii joogitaanka guriga.

Sida ay sheegtay wasaaradda caddaaladda Mareykanka, baaritaanka guriga waxaa lagu fuliyay amar maxkamadeed, waxaana uu qayb ka yahay baaritaan dembiyeed oo federaal ah oo weli socda.

Warbaahinta NBC News ayaa werisay, iyadoo soo xiganaysa qof xog-ogaal u ah arrinta, in eedeymo mustaqbalka loo soo jeedin karo xildhibaanka ay ka mid noqon karaan shirqool iyo bixinta xog aan sax ahayn oo la xiriirta dukumentiyadeeda socdaalka.

Ilhaan Cumar ayaa beenisay inay wax khalad ah samaysay, iyadoo ku tilmaantay tallaabada maamulka Mareykanka mid siyaasadaysan oo lagu cabsi-gelinayo dadka ka aragtida duwan.

Xildhibaanadan oo Soomaaliya ku dhalatay, balse markii dambe qaadatay dhalashada Mareykanka, ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay inaysan wax sharci-darro ah ku lug lahayn.

Ilhaan Cumar ayaa faahfaahin ka bixisay qaabka uu baaritaanku u dhacay, iyadoo sheegtay in baarayaasha waaxda amniga gudaha ay albaabkeeda garaaceen abbaare 6:00 subaxnimo, iyagoo watay amar baaritaan.

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday muddo afar ilaa shan saacadood ah, waxaana laga qaaday 17 shay oo ay ku jireen taleefoonnada gacanta, buugaagta qoraallada, buug carruurta loogu talagalay oo ku qoran afka Soomaaliga iyo kamarad duug ah oo ninkeedu hadiyad ahaan u helay.

Waxay sheegtay in inkasta oo saraakiishu ay si weyn u dhexgaleen arrimaheeda gaarka ah, haddana ay ahaayeen kuwo edeb leh, isla markaana diiwaangeliyay alaabtii ay qaateen.

Dhacdadan ayaa dhalisay dhaleeceyn xooggan oo uga timid xildhibaannada Xisbiga Dimuqraadiga, kuwaas oo su’aalo ka keenay waqtiga baaritaanka, maadaama ay ku soo beegantay xilli wax ka yar laba toddobaad ay ka harsan yihiin doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, kuwaas oo la qabanayo 3-da Nofeembar 2026, laguna go’aamin doono cidda gacanta ku dhigaysa Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka.

Ilhaan Cumar ayaa marar badan dhaleeceyn kala kulantay madaxweyne Donald Trump, kaas oo hore hadallo adag uga jeediyay xildhibaanadan, isla markaana ku baaqay in tallaabooyin sharci ah laga qaado qaar ka mid ah dadka uu u arko inay siyaasiyan ka soo horjeeda.