U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug oo Hambalyo u Diray Hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada Hirshabeelle

Oktoobar 23, 2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Galmudug, Xuseen Maxamed Nuur, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, kaddib doorashadii lagu doortay guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur ayaa hambalyo u diray Dr. Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle, iyo Cabdiraxmaan Cabdi Iidow oo noqday Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, iyo Jaamac Cali Maxamuud oo loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad.

Guddoomiyaha ayaa hoggaanka cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay ka heleen xildhibaannada Golaha Wakiillada Hirshabeelle, isaga oo u rajeeyay inay xilalkooda u gutaan si hufan, daacadnimo, caddaalad iyo wadatashi ku dhisan.

Sidoo kale, Xuseen Maxamed Nuur ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, horumarinta hannaanka sharci-dejinta, ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka, iyo gudashada waajibaadka matalaadda shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug ayaa hoggaanka cusub ee Hirshabeelle u rajeeyay guul iyo horumar, isaga oo Alle uga baryay inuu u fududeeyo gudashada waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay ka shaqeeyaan danta guud iyo horumarka shacabka Hirshabeelle.